Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Roma oo Gaartay Wareega Sideeda ee Koobka CL


Les joueurs de l'AS Roma célèbrent une victoire 1-0 lors du match retour contre Shakhtar Donetsk, au stade olympique de Rome, le 13 mars 2018.
Les joueurs de l'AS Roma célèbrent une victoire 1-0 lors du match retour contre Shakhtar Donetsk, au stade olympique de Rome, le 13 mars 2018.

Dhinaca kalana kooxda AS Roma ee dalka Talyaaniga ayaa iyaduna ka mid noqotay kooxaha u gudbay wareega quarter-finals-ka tartanka Yurub, kadib marki ay xalay 1-0 ugu awood sheegatay kooxda Shakhtar Donetsk ee dalka Ukraine.

Goolka kaliyah ee ay Roma ku garaacday Shakhtar Donetsk waxaa qeybti labaad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahanka reer Bosnia Edin Dzeko.

Is aragi hore waxaa 2-1 kusoo badisay Shakhtar, balse Roma ayaa kusoo gudubtay nidaamka farqiga goolasha. Waana marki ugu horreysay oo ay gaarto wareega sideeda ee tartankan tan iyo sanadki 2008-dii.

Ilaa iyo hadda waxaa wareega sideeda xaqiijiyay kooxaha kala ah, Juventus iyo Roma oo Talyaani ah, Liverpool iyo Manchester City oo British ah iyo Real Madrid iyo Sevilla oo matalaya Spain.

Waxaa ku biiri kara mid ka mid ah kooxaha Chelsea iyo Barcelona oo caawa isku arki doona magaalada Barcelona, lugti hore waxay isku mari waayeen 1-1.

Sidoo kale Bayern Munich ayaa aad loogu saadaalinayaa in ay caawa u gudbi doono wareega sideeda ee tartankan marka ay magaalada Istanbul ku kulmaan kooxda Besiktas.Is aragi hore waxaa 5-0 kusoo badisay Bayern.

XS
SM
MD
LG