Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Manchester United oo Ka Hartay Tartanka Yurub


Wissam Ben Yedder oo u dabaaldagaya goolki uu ka dhaliyay Man Utd.
Wissam Ben Yedder oo u dabaaldagaya goolki uu ka dhaliyay Man Utd.

Kooxda Manchester United ee dalka Ingiriiska ayaa si lama filaan ah xalay uga hartay tartanka kooxaha horyaalada Yurub, kadib marki ay kooxda Sevilla ee dalka Spain ay ku lagaday garoonka Old Trafford ee magaalada Manchester.

Sevilla oo uu hadda leyliyo tababarihi hore ee AC Milan Vincenso Montella, waxay Man United uga adkaatay 2-1. Labada goolba waxaa u saxiixay ciyaaryahan Wissam Ben Yedder oo ah laacib asal ahaan kasoo jeeda dalka Tunisia, balse heysta dhashada dalka France.

Ben Yadder ayaa ciyaarta badal kusoo galay daqiiqadi 72-aad, kadibna goolkiisa koowaad saxiixay 87 ilbiriqsi kadib marki uu garoonka soo galay. Afar daqiiqo kadibna wuxuu madaxa ku dhaliyay goolka labaad.

Manchester goolka calanka waxaa u keenay Romelu Lukaku, balse kuma filneyn si uu kooxdiisa uga badbaadiyo guuldarrado.

Waa marki ugu horreysay oo ay Sevilla u gudubto wareega sideeda ee koobka kooxaha Yurub tan iyo sanadki 1958-ki. Is aragi hore wuxuu ka dhacay magaalada Ishbiiliyah (Sevilla) waxana uu kusoo dhamaaday barbarro 0-0 ah.

XS
SM
MD
LG