Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mourinho oo Real uga digay David de Gea


José Mourinho
José Mourinho

Tababare Jose Mourinho ayaa uga digay kooxda Real Madrid inay waqtiga iska lumin doonto, haddii ay xagaaga isku daydo saxiixa goolhaye David de Gea oo u cayaara Manchester United.

De Gea ayaa qandaraaska uu kula jiro United waxaa ka haray 18 bilood kaliya, kaasi oo uu saxiixay markii uu fashilmay qorshe uu ugu biiri lahaa Real, bishii September ee 2015.

Hase yeeshee Mourinho ayaa doonaya inuu sii haysto goolhayaha koowaad ee Old Trafford, wuxuuna ku kalsoon yahay inuu sidaas sameyn karo.

“Waxaa arkaa inuu halkan joogi doono, ma aqaan qorshaha Real, balse ha ka fakareen cayaaryahan kale” ayuu yiri Mourinho.

De Gea waa goolhayaha koowaad ee xulka qaranka Spain, waxaana la rumeysan yahay inay Real dooneyso inay kula wareegto lacag badan.

XS
SM
MD
LG