Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Lama Adeegsan Karo DOT SO


Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo teknoolajiyada Somaliland ayaa maanta soo saartay amar ay kaga mamnuucayso jaamacadaha, shirkadaha, bangiyada, urururrada maxalliga ah iyo kuwa dawliga ah inay adeegsadaan cinwaanka internetka ee Sooomaaliya ama DOT SO.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay toddobaadkii hore inay dib ula soo wareegtay cinwaanka internetka ee waddanka Soomaaliya ee DOT SO, waxayna dawladda federaalka ee Soomaaliya sheegtay in tallaabadani ay u horseedi doonto shikradaha iyo meheradaha kaleba inay ka faa’iidaystaan adeegsiga cinwaankaas.

Wasaarada isgaadhsiinta iyo teknoolajiyada Somaliland ayaa amarka ay soo saartay in adeegsiga cinwaankaas uu ka reebban yahay cid kasta oo cinwaan ku leh internetka waxayna sheegtay inay taasi raad ku yeelan karto “qarannimada iyo madaxbannaanida” Somaliland, sida lagu sheegay amarkaasi.

Waxaa kale oo amarkaasi lagu sheegay in websaytyada ama mareegaha internetka ee isticmaala DOT SO la farayo inay kaga guuraan muddo 30 malamood gudahood ah oo ka bilaabanta berrito una wareegaan cinwaannada kale ee aan gaarka loo lahayn, sida lagu sheegay amarkaasi.

XS
SM
MD
LG