Bilihii u dambeeyay Isbitalka Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa la soo gaarsiinayay bukaanno uu soo ritay xanuunka shuban biyoodka oo qaarkoodna ay u dhinteen.
Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa arrintan waxa weydiiyay, Ibrahim Cabdulqaadir Xaaji Xuseen, Iskuduwaha Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleedka Hirshabeelle, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.