Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaabiis Hindiya Laga Keenay oo Muqdisho Gaaray


Qaybtii labaad ee maxaabiis Soomaali ah oo horey ugu xirnaa dalka Hindya ayaa maanta kusoo laabtay magaalada Muqdishu.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey in kabadan 70 qof oo laga keenay dalka Hindiya. Bishii Janaayo ayey yimaadeen qaybtii hore oo dhammaa 41 qof. Dadkana ayaa loogu hayey xabsiyada waddankaasi falal la xiriira budhcad badeendimo. Dadkaasi ayaa iyagu ku adkaystay inay ahaayeen kalluumaysato.

Ciidamada Hindiya ayaa dadkan ka qabtay xeebaha Soomaaliya toddoba sano ka hor, waxaana markaasi kadib la geeyey magaalada Mumbai ee dalkaasi Hindiya waxaana lagu xukumay xabsiyo kala duwan.

Saddex ka mid ah dadkaasi ayaa la sheegay inay horey xabsiyada waddankaasi ugu dhinteen.

Dawladda Soomaaliya ayaa intii ay xafiiska qabataya ka shaqaysay soo daynta maxaabiista Soomaalida iyadoo horey maxaabiis looga soo daayey dalka Itoobiya.

Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray Cabduqaadir M. Cabdulle.

Dhageyso Maxaabiista India
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:52 0:00

XS
SM
MD
LG