WASHINGTON. D.C — Reysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali kheyre, oo maanta ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa heshiiskii ay shalay kala saxiixdeen Somaliland, DP World iyo Itoobiya ku tilmaamay mid sharci darro ah.
R/wasaare Khayre ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay heshiiskaas u aqoonsan tahay mid wax kama jiraan ah.
Ra’isul Wasaaraha ayaa tixraacayay war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya oo lagu burriyay heshiiskaasi.
Jaamac Buule Jaamac ayaa arrinta heshiiskan iyo qoraalkooda wax ka weydiiyay wasiirka dekedaha ee Soomaaliya Marwo Maryam Aweys Jaamac.
Dhina kalana, Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay heshiisyo shalay ka dhacay magaalada Dubai, kaas oo ay la galeen shirkadda DP World iyo Itoobiya oo dhinac ah iyo mid gaar ah oo ay la galeen shirkadda DP World kaligeed.
Weftigii dhinaca Somaliland u saxiixay heshiiskaas oo maanta ku laabtay Hargeysa ayaa warbaahinta u sheegay in heshiisyadan ay kala khuseeyaan ballaarinta dekedda Berbera iyo samaynta aagga ganacsi ee cashuurta ka caaggan ee FREE ZONE loo yaqaano. Wariyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan noo soo diray.