Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heshiiskii Ganacsatada iyo Dowladda ee Canshuurta oo Bur-burey


Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa sheegtay inuu bur buray wada xaajoodkii u socday iyaga iyo wasaarada maaliyadda ee ku saabsana bixinta canshuuraha ,waxana ay xuseen in bur burka ku yimid wada hadalkaasi ay masuul ka tahay dowlada.

Arintaasi ayaa waxa wariyaha VOA magaalada muqdisho xasan kaafi qoyste uga waramay Gudoomiyaha guddiga wada xaajoodka ganacsatada iyo
wasaarada maaliyada Cali Dhoore Xasan.

Ganacsatada oo dowladda ku eedeyey bur burka wada hadalkii canshuruta
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:53 0:00

Dhagaystayaal waxaa naga xusuusin ah inaan la xiririnay dhinaca wasaaradda maaliyadda ee dawladda Soomaaliya balse ay soo suurtogeli weysay inaan khadka telefoonka ku helno.

Toddobaadkii hore ayeyse ahayd markii aanu waraysanay wasiirka maaliyadda Cabdiraxmana Ducaale Beyle oo sheegay inay muhiim tahay bixinta canshuurta jimlada ee dekedda lagu qaado.

XS
SM
MD
LG