Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland: Dhalinyaro Shabaab ah oo Baxsaday


Gold medallist Peres Jepchirchir of Kenya celebrates on the podium REUTERS/Feline Lim
Gold medallist Peres Jepchirchir of Kenya celebrates on the podium REUTERS/Feline Lim

Dhalinyaro tiradoodu gaadhayso 10 oo horey uga tirsanaa ururka Al-Shabab ayaa habeen hore ka baxsaday xarun lagu dhaqancelinayey oo ku taalla magaalada Garoowe sida ay noo sheegeen warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo dhinaca amniga ah.

Dhalinyaaradaasi ayaa la sheegay in mid ka mid ah isla shalay dib loo qabtay halka saddex kalena maanta la qabtay, waxaana wararku sheegayaan in intii kale la’ayahay jaan iyo cidhib meel ay dhigeen.

Dhalinyaradan ayaa wararka aanu helnay ay sheegayaan inay ahaayeen kuwo lagu soo qabtay dagaalladii sannadkii 2016-ka degaannada Garacad, Garmala iyo Suuj ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo maleeshiyadii Al-Shabab ee halkaasi ku duulay.

Xarunta lgu hayey ayaa la sheegay inay ku jireen 38 dhalinyaro ah, waxaana wararka aanu ka helnay saraakiisha amniga ay sheegeen in xilliga baxsashadu ay dhacday ay ahayd 8-dii fiidnomo habeenkii Axadda.

Xarunta ay ka baxsadeen ayaa la sheegay inay maamulayeen wakiillo qandaraas uga qaatay mid ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay oo loogu taloglay inay goobtaas dhalinyarada ku siiyaan dhaqancelin iyo waxbarasho. Xaruntaasi waxa ilaalinayey sida ay sheegaan wararka aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ilaa 30 ciidamo ah, balse ilaa hadda ma cadda sida ay ugu suurtogashay inay baxsadaan, waxaana socda baadhitaan.

Xubnaha ka baxsaday xaruntaasi ee baxsadka ah ayaa la sheegay inuu ku jiro nin madax u ahaa dhalinyarada halkaasi ku jirta, waxaana la sheegay inaaan la ogayn halka ay ku sugan yihiin.

Xogta kale ee dhinaca amniga ee aan helnay ayaa sheegaysa in raggaani si xirfadaysan ay uga baxsadeen xaruntaasi, waxaana wararku sheegayaan in su’aalo la weydiinayo ciidamadii ilaalada ahaa.

Hadda ka hor ayaa laa sheegay in dhalinyaradana baxsatay ay weerar ku qaadeen ciidanka xarunta ilaalinayey balse la iska difaacay iyadoo aanay dhicin xilligaasi wax khasaare ah, dhacdadaasna waxaa wararka lagu kalsoon yahay ay sheegayaan inay dhacday saddex bilood ka hor.

Idaacadda VOA waxay isku dayday inay kahdka telefoonka ku hesho wasiirka amniga amniga ee Puntland, wasirika warfaafinta ee Puntland, Mas’uuliyinta Madaxtooyada iyo kuwa booliiska ee Garoowe ilaa haatan ma jirana saraakiil ka jawaabayey telefoonnada aaan ku wacnay. Marka ugu horraysa ee ay taasi noo suurtogashana waan idiin soo gudbinaynaa fikradda iyo sharraxaaddooda ku aaddan sida ay wax u dhaceen.

Dhanka kale, howlgalka ciidamada Mareykanka ee Afirka ayaa war uu soo saaray ku sheegey in duqeyn ay habeen hore ka geysteen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ay ku dileen laba Shabaab ah.

Warka ayaa intaasi lagu daray in sidoo kale ay weerarkaasi ku dhaawaceen mid kale. Waa duqeyntii afaraad ee ay Africom ka geystaan Soomaaliya illaa iyo sanadkan.

XS
SM
MD
LG