Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM oo ka Hadashay Dil ay u Geysteen Askari Soomaali Ah


Madaxa hawlgalka AMISOM Francisco Madeira ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dhacdadii nasiibdarrada ahayd ee dhacday fiidnimadii Jimcihii kadib markii ciidamada AMISOM ay rasaaseeyeen ciidamo Soomaali ah oo ku suganaa bar kontorool.

Shir jaraa'id oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale taliyaha madaxa hawlgalka AMISOM uu ku sheegay inay ka go'antahay adkaynta wadajirka AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya ee dagaalka ay kula jirana al-Shabab.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiirkaarrimaha gudaha ee dawladda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, oo sheegay in askari ka tirsan ciidamada Soomaalida uu ku dhintay rasaastaas laba kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad kale oo rayid ah.

Goob-joogayaal ayaa VOA u sheegay in shilku ka dhacay kadib markii cidiamada AMISOM oo kolonyo ahaa uu muran dhexmaray ciidamada Soomaalida oo la sheegay inay haysteen amar ah inay hubiyaan dhammaan baabuurta galaysa garoonka diyaaradaha.

AMISOM iyo dawladda Soomaaliya aya aku dhowaaqay baadhitaan ku aaddan dhacadaasi.

Warbixintan waxa Muqdisho ka soo direy Cabdilqaadir Maxamed Cabdulle.

AMISOM oo ka hadashay dilka askari Soomaali ah1
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:24 0:00

XS
SM
MD
LG