Isku xirrada

War Deg-Deg ah

F. Madeira oo ka Hadlay Qaraxyadii Muqdisho


Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira, ayaa si adag u cambaareeyay labadii qarax ee maalintii Jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad gaadhaya afartameeyo.


Danjiraha ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu tacsi tiiraanyo leh u dirayo ehellada dadkii ku waxyeeloobay weeraradaasi ay gaysteen maleeshiyada ururka Al-Shabab, kuwaas oo looga dan lahaa, ayuu yiri, in argagax lagu abuuro bulshada. AMISOM waxaa ay si xooggan u cambaareyneysaa weerarkan, waxaa ayna mar kale dib u xaqiijineysaa go’aankeeda ah in ay si dhow ula shaqeyso Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya si Soomaaliya looga xorreeyo xagjirka iyo argagixisada - ayuu yiri Madeira.


Dhinaca kale Danjire Madeira waxa uu ka hadlay shil ay ku lug lahaayeen ciidamada Midowga Afrika oo ka dhacay bar kontorool oo ku taalla Lambar 4, kaasi oo ay ku dhinteen labo ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ayna ku dhaawacmeen lix qof oo kale oo laba ay ka tirsanaayeen ciidamada halka inta kalena ay rayid ahaayeen, sida ay sheegeen warar dhinaca amniga ah.
Xog ay ilo kala duwan ka heshay idaacadda VOA ayaa sheegaysa in ciidamada AMISOM ay rasaas ku fureen ciidamada nabadsugidda Soomaaliya oo ku sugnaa bar kontorool kuwaasi oo amar ku qabay inay hubiyaan dhammaan gaadiidka galaya garoonka diyaaradaha xilligaasi oo ay jirtay xaalad amni oo culus oo ka dhalatay weerarkii ay habeenkii jimcihii Al-Shabab ka gaysatay Muqdishu.


Ciidamada dawladda ayaa ilo wareedyadu sheegayaan inay u sheegeen ciidamada AMISOM inay ka galaan albaab kale oo loo asteeyey, kadibna uu muarn dhashay taasi oo keentay in rasaas la furo.


Danjire Madeira oo war saxaafadeedka uu soo saaray kaga hadlayey shilkaasi ayaa sheegay in ciidamada AMISOM oo qaaday dad ku dhaawacmay weerarka Al-Shabab ay ku lug yeesheen dhacdo ka dhacday bar-kontarool ay leedahay NISA oo u dhow KM4. Waxa uu sheegay in dhacdadaasi haatan baaritaan ay ku wadaaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo AMISOM, mana bixin faahfaahin intaas dhaafsiisan.

XS
SM
MD
LG