Tirada dhimashada qaraxyadii mataanaha ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa korortay oo gaartay 34 qof. Inta badan meydadka waxaa la geeyay mid ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.
Wariyaha VOA ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo warramaya in la xaqiijiyay geerida 34 ruux oo 27 kamid ah iyagoo meyd ah la geeyay isbitaalka Madiina, halka labo kamid ah dhaawacii isla isbitaalkaasi la gaarsiiyayna ay geeriyoodeen.
Waxaa kale oo ay dowladda Soomaaliya soo bandhigtay meydka 5 ruux oo ahaa maleeshiyadii weerarka soo qaadday.
Qaar ka tirsan wakaaladaha wararka caalamiga ah oo soo xiganaya saraakaal ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya, ayaa sheegaya in dhimashadu ay intaa aad uga badan tahay oo ay gaareyso ilaa 45 ruux.
Qaraxyada iyo weerarka waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 36 ruux oo la kala geeyay qaar ka tirsan isbitaallada magaalada Muqdisho.
Ururka Alshabaab ayaa sheegtay weerarradaasi, waxaanay intaas ku dareen in ay ku dileen tobannaan ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Waxaa jira bur-bur xooggan oo ka muuqda dhismayaasha ku yaalla aagga ay qaraxyadu gil-gileen, oo ah goobo aad ugu kala dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyo xarunta Hey’adda Nabad-sugidda Qaranka.