Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo Sii Daaysay Maxaabiis


Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga ka si deysay 1,500 oo maxbuus, kuwaas oo ku xirnaa gobolka Soomaalida ee Itoobiya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sii deynta dadkani waxay daba socotaa kadib markii dhawaantan dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay waddanka oo idil.

Sida lagu qorey Faceboogga xafiiska is-gaarsiinta gobolka Soomaalida ee Itoobiya, dadkaasi sii deyntooda waxay ka dambeysay kadib markii madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar uu cafis u fidiyay.

Maxaabiistani ayaa hore loogu soo eedeyay eedeymo la xiriira inay wadeen dhaq dhaqaayo nabadda ka dhanka ah, lamana bixin wax faahfaahin intaasi ka badan.

Itoobiya ayaa tan iyo bishii January waxay horrey u sii deysay maxaabiis ka badan lix kun oo qof, kuwaas oo ay ku jireen xubno mucaarad ahaa oo magac ku leh Itoobiya. Dadka la si daayay qaarkood waxay ku eedeysanayeen dambiyo ay ka mid yihiin argagixisnimo.

XS
SM
MD
LG