Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Q.M. oo Xabbad Joojin Ku Baaqday Gudaha Siiriya


Xog-hayaha guud ee Q.M. António Guterres ayaa golaha ammaanka ka dalbanaya inuu meel mariyo 30 cisho oo xabbad joojin ah, gudaha Siiriya, si loo caawiyo 400,000 oo ruux oo ku xanniban bariga Ghouta, kaas oo sheegey inay dunidan ku ciqaaban yihiin.

Waxa uu yiri Guterres, “waxaan aaminsanahay inaysan bariga Ghouta aysan sugi karin intaan ka badan.”

Magaaladaasi waxa dagaallo ay ka socdeen tan iyo sanadkii 2013.

“Waxan ugu baaqayaa dhammaaan dhinacyada ku lugta leh inay si deg deg ah u joojiyaan dhammaan dhaq-dhaqaaqyada dagaalla, si loogu oggolaado gargaar bini-aadannimo dadka u baahan,” ayuu yiri Guterres.

Sanadkii la soo dhaafay, waxa aaggaasi waxa loo aqoonsaday in uu ka mid noqdo afar goobood oo colaaduhu ay ka caaggan yihiin, kadib heshiis dhex maray taageerayaasha madaxweyne Bashar al-Assad, Ruushka, Iraan iyo Turkiga.

Balse, ciidanka dowaldda ayaa mar kale la sheegayaa inay weeraro ku qaadeen deegaanka Ghouta, oo ka mid ah meelaha ay mucaaradku wali kaga sugan yihiin agagaarka caasimadda Dimishiq.

XS
SM
MD
LG