Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falan-qeyn: Taliyayasha La Magacaabay Waxay Kaga Duwan Yihiin Kuwii Hore


Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta magacowdey taliyayaasha booliska, nabad-sugidda iyo asluubta, kadib kulan ay golaha wasiirada Muqdisho ku yeesheen.

Taliyaha ciidanka booliiska ayaa loo magagacaabay Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed oo horey u ahaa taliye xigeenka booliiska, taliyaha asluubta ayaa loo magacaabay Jenerala Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe, oo horey xilkaasi mar u soo qabtay, ka hor inta aaney isla dowladdan xilka ka qaadin sanad ka hor, halka agaaismaha nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka loo magacaabay Xuseen Cismaan Xuseen, oo hore u soo noqday wasiir ku xigeennada ammaanka iyo caafimadka. Xuseen, sidoo kale hadda waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Haddaba, taliyayaashan cusub ee la magacaabay maxay kaga duwanaan karaan kuwii xilalka uga horreeyey? Mase loo baahan yahay in lakala saaro amniga iyo siyaasadda? Su’aalahaas iyo kuwo kale ayaa Haaruun Macruuf uu hor-dhigay taliyihiin hore ee hay’adda nabadsugidda Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

please wait

No media source currently available

0:00 0:19:36 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG