Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Militariga Itoobiya oo Xukunka La Wareegi Doona


Golaha wasiirada ee dalka Itoobiya ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan xaalad deg deg ah oo socon doonta muddo seddex bil ah. Ilo ku dhow dhow xisbiga talada haya ayaa u sheegey VOA in milatariga ay awoodda la wareegi doonaan tan iyo inta baarlamaanka dalkaasi oo hada fasax ku jira uu ka aqbali doono is-casilaada ra’iisul wasaraha.

Xaaladdan deg degga ayaa loogu dhawaaqayaa si loogu xalliyo xasaradda dhanka ammaanka ee dalkaas waayadan ka jirtey sida ay sheegeen ilo wareedyo VOA la hadashey.

Tallaabadan waxa ay timid ka dib markii uu shaley xilkii ra’iisul wasaarenimo iska casiley Hailemariam Desalenge oo sidoo kalena iska casiley hoggaamintii xisbiga talada haya ee EPRDF.

Ra’iisul-wasaare Hailemariam ama qof wakil ka ah ayaa la filayaa in goordhow uu ku dhawaaqo xaaladdan deg dega ah.

Dhanka kale, xisbiga EPRDF ee haya talada dalka Itoobiya ayaa oggolaaday is-casilaadda uu soo gudbiyay reysal wasaare Hailemariam Desaleng oo shalay ku dhawaaqay inuu xilka ka dagayo.

Warbixintan waxaa inoo haya Nuur Xasan Bukhaari.

Dhageyso Xisbiga Talada Itoobiya oo Aqbalay iscasiladda Hailemariam
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:21 0:00

XS
SM
MD
LG