Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo Is Casilay


Ra’isul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa maanta sheegay inuu iska casilay, jagadii ra’isul wasaaranimada iyo middii guddoomiyannimada xisbiga talada haya ee dalkiisa EPDRF.

Is-casilaadda Desaleign ayaa imaaneysa iyadoo Itoobiya ay ka taagantahay xiisad siyaasadeed oo muddo dheer soo jiitameysay, iyo iyadoo shalay la sii daayay maxaabiis badan oo dhinaca siyaasadda u xir-xirnaa si xiisadda loo yareeyo.

Maxaabiis gaareysa 746, ayaa Arbacadii shalay laga sii daayay xabsiyada, iyadoo la fulinayo ballanqaad uu sameeyay xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya toddobaadkii la soo dhaafay.

Itoobiya ayaa xulufo dhow oo dhinaca la dagaallanka argagixisada la ah Mareykanka, waana dalka labaad ee ugu dadka badan Qaaradda Afrika

Sidoo kale, is-casilaaddiisa waxay ku soo beegantay saacado un ka dib markii madaxweynihii Koonfur Afrika uu iscasilay, kadib cadaadis siyaasadeed uu uga yimid xisbigiisa.

Haddaba, maxaa keenay is-casilaadda Desalegn, su’aalahaa iyo kuwo kale ayuu Maxamed Colaad Xassan weydiiyay Moha Faarax Jire oo la soo shaqeysay xisbiga EPRDF ee talada dalka Itoobiya haya.

Waa maxay is casilaadda Reysal wasaaraha Itoobiya
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:10 0:00

XS
SM
MD
LG