Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareega 16-ka Koobka Yurub oo Furmay


Douglas Costa, oo kubad kula dagaalamaya weeraryahan Harry Kaneinti ay socotay ciyaarti dhexmartay Talaadadi Juventus iyo Tottenham.

Waxaa xalay si rasmi ah u bilwoday wareeha 16-ka koox ee tartanka Kooxaha Horyaalada Yurub ee loo yaqaano Uefa Champions League.

Laba kulan oo xiisa lahaa ayaa dhacay. Ciyaarti ugu adkeyd ayaa waxay dhexmartay kooxaha Juventus oo Talyaani ah iyo Tottenham oo ah koox British ah. Ciyaartan oo ka dhacday magaalada Torino ee dalka Talyaaniga ayaa waxay kusoo dhamaatay barbardhac 2-2 ah.

Kooxda Juventus oo sadexdi sano ee lasoo dhaafay laba jeer tiigsatay finalka tartankan aadna loo saadaalinayay in ay badiso kulanki xalay ayay u suuragali weyday. Iyada ayaa sagaalki daqiiqo ee hore keentay laba gool oodeg deg ahaa oo uu saxiixay Gonzalo Higuain.

Laakin ciyaartooya Tottenham oo muddo ka badan 80 daqiiqadood ka gacan sarreysay Juventus ayaa iska soo magay goolasha oo ay kala dhaliyeen Harry Kane iyo Christian Eriksen.

Ma ahayn wax sahlan in Juventus goolal intaasi la eg looga dhaliyo garoonkeeda Allianz Stadium gaar ahaan goolhaye Gianluigi Buffon oo aanay wax kubadi ahi shabaqiisa taaban 694 daqiiqo.

Sidoo kale sanadkaan 2018-ka wax gool ah lagama dhalin Juventus, iyada oo badisay dhamaan 10-ki kulan ee ugu danbeysay ee ay ka ciyaartay horyaalka Talyaaniga iyo Koobka Italia.

Is araga labaad ee labadan koox ayaa waxa magaalada London ka dhici doonaa todobada bisha March ee soo socota.

Ciyaar kale oo xalay dhexmartay Basel iyo Manchester City. Waxaa 4-0 ku badisay Manchester City. Goolasha waxaa u kala dhaliyay Ilkay Gundugan oo laba saxiixay, Bernardo Silva iyo Aguero.

Caawa ayaa sidoo kale waxaa jira laba kulan oo adag. Real Madrid waxay qaabileysaa Paris Saint-Germain halka Porto ay martigelineyso Liverpool.


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG