Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guuleed: Arragtiyo ay Cabbirreen Darteed Ayay u Xiran Yihiin Naciimo Iyo Keyse


Guuleed Axmed, guddoomiyaha xarunta xuquuqal Insaanka ee Somaliland.
Guuleed Axmed, guddoomiyaha xarunta xuquuqal Insaanka ee Somaliland.

Waxa Hargeysa ku xiran Naciima Axmed Ibraahim oo xiran in ka badan 3 isbuuc iyo Maxamed Keyse Maxamuud oo isna isbuucan la soo xiray. Labadan qof oo dhallinyaro ah, ayaa sida ay xarunta xuquuqal insaanka ee Somaliland sheegtay loo xirey aragtiyo ay cabbireen.

Dhinaca kale, xeer-ilaalinta guud ee Somaliland ayaa iyana sheegay inay dhallin-yaradani ku eedaysan yihiin falal iyo warar ka dhan ah amniga iyo Somaliland.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa arrintan wax ka waydiiyay Guuleed Axmed Jaamac oo ah guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka.

Warbixinta dad ay Somaliland Xabsiga Dhigtay
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:31 0:00

Dhanka kale, waxa uu isla arrintan weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye wax ka waydiiyay afhayeenka xeer ilaalinta guud ee Somaliland Mawliid Cabdi Muuse, ahna guddoomiyaha xeer ilaalinta Hargeysa, waxaanu ugu horrayn waydiiyay xarigga dhallin-yaradan.

Jawaabta uu maamulka ka bixiyay xarriggaaasi
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:30 0:00

XS
SM
MD
LG