Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku Qul-qulaya Puntland


Baabuur waday dad muhaajiriin ah ayaa ku qalllibmay dalka Liibiya, meel u dhow magaalada Bani Waliid, waxaana la sheegayaa inay ku dhinteen dad ka badan 20 qof , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad gaaraya 100 qof.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ku jiraan Soomaali iyo Eriteriyaan.

Dalka Libiya haatan waxaa ku sugan wafdi ka socda dawladda Soomaaliya oo doonaya inay daad-gureeyaan dadka Soomaalida ah ee ku dhibaataysan halkaasi.

Dhinaca kalena, tahriibayaal u dhashay Itoobiya ayaa ku sii qul-qulaya deeggaannada Puntland ee Soomaaliya, iyagoo doonaya inay halkaasi doomo ka raacaan si ay ugu tahriibaan dalalka Yemen iyo Sudan.

Mas’uuliyiinta maamulka Puntland ayaa sheegay inay ku adag tahay joojinta qul-qulka tahriibayaashan oo aanay haysan awooddii howshaasi lagu fulin lahaa. Warbixntan waxaa Garowe ka soo diray Nuux Muuse Birjeeb.

Muhaajirin Itoobiyaan u badan oo ku dhintay Libya
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:04 0:00

XS
SM
MD
LG