Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sirdoonka oo ka Digey in Ruushku uu Faragaliyo Doorashooyinka 2018


WASHINGTON — Iyadoo ay isbuucyo uun ay ka harsan tahay doorashooyinka Kongereeska Mareykanka, ayaa saraakiill sare oo ka tirsan waaxda sirdoonka waxay ka digeen in Ruushku mar kale uu u muuqdo mid isku dayaya inuu faragaliyo doorashooyinka 2018 si lamid ah sida ay sameeyeen doorashadii madaxtinnimo ee 2016.

Madaxda lixda hay'adood ee ugu weyn sirdoonka, ayaa guddiga senetka u qaabilsan sirdoonka waxay u sheegeen Talaadadii in ay Moscow u aragto doorashada xilligga dhexe la qabanayo kuwa muhiim u ah Ruushak si ay u faragaliyaan.

"Ugu yaraan, waxa aan Ruushka ka rajeyneyno waa inay sii wadaan adeegsiga daacayadaha, warbaahinta bulshada, ashqaas been abuurayaal, afhayeenno daacad ah iyo wax kaste oo ay isugu dayi karaan in ay car-qaladeeyaan hannaanka bulsho iyo midka siyaasadeed ee Mareykanka," ayuu yiri Dan Coats oo madax ka ah hay'adda sirdoonka qaranka.

Doorashooyinka xilliga dhexe waxay dhici doonaan November lixdeeda. Waxaase bisha March lixdeeda dhici doona doorashada ugu soo horreysa ee horudhaca ah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG