Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar oo Billowdey Weeraro ka Dhan ah Argagixisada


Militariga dalka Masar oo ay ku jiraan cutubyada ciidanka Lugta, kuwa cirka, badda, iyo booliska ayaa billaabay howl-gallo baahsan oo dalkaasi oo dhan ah oo ay ku baacsanayaan argagixisada Jimcihii shalay.

Ciidamadan ayaa xoogga saaray gobolka dhinaca waqooyi ku yaala ee Siinaay, dhulka ku teedsan halka ay biyaha wabiga Nile kaga darsoomaan badda Midheteereeniyanka iyo dhulka ku dhow xuduudda Libya.

Wariyaha VOA Edward Yeranian ayaa warbixintan ka soo diray Qaahira. Waxaa inoo akhrinaya Jacfar Kuukaay.

Dhageyso Masar oo baacsaneysa argagixisada
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:31 0:00

XS
SM
MD
LG