Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Ammaanka Qaranka oo Maalinkii 2-aad Galay


Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad galay shir dhinaca amniga iyo siyaasadda waddanka ku saabsan oo ay leeyihin madaxda dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada.

Shirkan oo ah kii lixaad ee dhinacyadu ay yeeshaan ayaa waxaa la sheegay in looga doodayo xasillinta amniga iyo waliba wadashaqeyn dhex-marta hay’adaha amniga ee dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada.

Haddaba, muxuu shirkan uga duwan yahay kuwii hore, maxaana laga filan karaa? Su’aallahaasi iyo kuwa kale ayaan Cabdicasdiis Xuseen uu weydiiyay Cabdixakim Fiqi, wasiirkii hore ee difaaca Soomaaliya oo gobolka Virginia ee dalkan Mareykanka ku sugan.

Shirka ammaanka Qaranka
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:38 0:00

XS
SM
MD
LG