Isku xirrada

War Deg-Deg ah

PSG oo Gaartay Afar Dhamaadka French Cup


 Angel Di Maria
Angel Di Maria

Kooxda Paris St-Germain ayaa u gudubtay wareega afar dhamaadka ee kooka French Cup kadib marki ay xalay 4-1 ku gaarcday kooxda Sochaux oo ka mid ah kooxaha heerka labaad ee dalkaasi France.

Ciyaarti Talaadadi oo uu ka maqnaa xidiga reer Brazil Neymar ayaa waxaa saddex ka mid ah goolasha dhaliyay Angel di Maria, halka goolka afraad uu dhaliyay Edinson Cavani. Goolka kaliyah ee Sochaux waxaa saxiixay Florian Martin.

Gabagabadi ciyaarta ayaa waxaa garoonka dibadda looga saaray oo kaarka cas la siiyay goolhayaha PSG Kevin Trapp, balse ganaaxiisa waxba kama uusan badalin natiijada ciyaarta oo kusoo dhamaatay 4-1.

PSG, oo hadda 11 dhibcood ka sareysa kooxda kusoo xigta dhinaca horyaalka France ayaanan laga badinin 38 kulan oo ka tirsan ciyaaraha maxaliga ah ee France. Iyada ayaana aheyd horyaalka France afarti sano ee lasoo dhaafay.

XS
SM
MD
LG