Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booosaaso: Al-Shabaab oo Weerartey Saldhig Ciidan


Boosaaso
Boosaaso

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa sheegaya in qaraxyo iyo rasaas culus laga maqlay bartamaha magaalada kadib maleeshiyada Al-Shabab ay weerareen saldhigga booliiska ee magaalada.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in weerarka loo adeegsaday bambooyin iyo rasaas ka dhacaysa qoryaha boobayaasha.

Ugu yarana afar askari ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarkaasi oo caawa fiidkii dhacay.

Maleeshiyada ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkaasi caawa dhacay.

XS
SM
MD
LG