Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doon Ganacsi oo Duleedka Boosaaso Ku Degtay


Doonida dagtay
Doonida dagtay

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in doon sidday xamuul boqollaal tan ay ku caarisay meel u dhow dekedda Boosaaso.

Doontan ayaa la sheegay inay ka timid dalka Imaaraadka Carabta ayna u rarnayd ganacsato Soomaali ah.

Inta aysan degin ka hor, waxa la sheegay in doontan ay isku dayday inay kusoo xiirato magaalada Boosaaso dekeddeeda balse aysan taais dhicin.

Ganacsatada ay u rarnayd doontaasi ayaa sheegay in loo diiday dekedda inay kusoo xirato inkastoo aan taasi si madaxbannana loo xaqiijin.

Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee degista doonidaasi ay sababtay.

Qeybtan hoose ka dhageyso warkan oo faah-faahsan.

Don ku degtay Boosaaso
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:10 0:00

XS
SM
MD
LG