Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriin Lagu Weeraray Talyaaniga


6 qof oo ka tirsan muhaajirinta Afrikan-ka ah ee ku nool dalka Talyaaniga ayaa maanta ku dhaawacmay rasaas uu ku furay nin Talyaani ah oo hubeysanaa.

Weerarkan oo ka dhacay bartamaha magaalada Macerate, ayaa boolisku ay sheegeen inay soo qabteen ninkii ka danbeeyay weerarka oo lagu magacaabo Luca Tina, kaas oo ah 28 sano jir ah.

Tina, ayaa loo maleynaayaa in uu ka tirsan yahay xisbiga ajaaniibta neceb ee dhinaca midigta fog u jan-jeera.

Weerarkan ayaa dhacay maalmo ka dib markii nin Neyjeeriya u dhashay magaalada Macerate lagu xiray, isagoo loo haysto dilka gabar 18 jir Talyaani ah, oo jirkeeda oo la googooyay laga dhex-helay laba boorso oo la dhigay meel u dhow magaalada Macerate.

XS
SM
MD
LG