Isku xirrada

War Deg-Deg ah

C. Qeybdiid oo Dhaliilay Baarista Weerarkii Bishii Hore


Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee labada Gole baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guul dareysatay baaristii ay ku heysay weerarkii dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay loo geystay gurigiisa.

Cabdi Qeybdiid oo maanta shir Ja’raaid ku qabtay Muqdisho ayaa ku tilmaamay weerarkaas mid la doonayay in lagu qaarajiyo, kuna reebay argagax isaga iyo qoyskiisa.

Waxa uu ku eedeeyay weerarkaas inay ka dambeeyeen saraakiisha sirdoonka ee Imaaraadka Carabta oo uu sheegay inay soo adeegsadeen ciidamo Soomaaliyeed oo uu Imaaraadku Tababaray iyo qaar ka tirsan ciidamada hey’adda sirdoonka Soomaaliya.

Dhageyso Shirka Jaraa'id ee C. Qeybdiid
please wait

No media source currently available

0:00 0:00:45 0:00

XS
SM
MD
LG