Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Ka Dhacay Galgala oo Khasaare Sababay


Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, ayaa dhaawacyo ka soo gaaray weerar gaadmo ah oo ay kooxda al-Shabaab ku soo qaadeen fariisin ay ciidamada ku leeyihiin saldhigga Sugurre oo u dhow buuraha Galgala, fiidkii Jimcaha.

Saraakiil Puntland ka tirsan, ayaa VOA u sheegay in weerarka lagu soo qaaday askartooda ay iska caabbiyeen, islamarkaasina ay khasaare gaarsiiyeen maleeshiyaadkii soo weeraray.

Afar askari oo ciidamada Puntland ka tirsan, ayaa dhaawac ahaan loo qaaday xarrumaha caafimaadka ee Boosaaso.

Buuraha Galgala waxa ku sugan maleeshiyaad hubeysan oo ka soo horjeeda maamulka Puntland.

XS
SM
MD
LG