Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shaqaale Hormuud ka Tirsan oo Qarax ku Dhintay


Laba ka tirsan shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud, ayaa ku dhintay qarax haleelay gaari ay la socdeen, kaas oo maanta ka dhacay duleedka Muqdisho.

Qaraxaasi, waxa sidoo kale ku dhaawacmay laba kale, sida ay mas'uuliyiin ka tirsan shirkadda Hormuud ay VOA u sheegeen.

Shaqaalahan, ayaa ka yimid degmada Afgooye, waxayna ku soo jeedeen magaalada Muqdisho, ka hor inta aanu gaarigooda dul marin miino waddada hareerteeda lagu aasay, deegaanka Weydow, oo Muqdisho iyo Afgooye u dhaxeya.

Lama garanayo sababta ka dambeysa weerarkaasi. Sidoo kale, macadda haddii uu bartilmaameedka ahaa shaqaalaha la weeraray iyo in kale.

XS
SM
MD
LG