Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Maxkamad Hakisay Xayiraad War-baahinta Qaar Lagu Soo Rogey


Maxkamadda Saree ee Kenya ayaa soo saartay go’aan ay ku joojineyso xayiraad ay dowladda ku soo rogtay saddex telefishin oo ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer ee gaarka loo leeyahay dalka Kenya.

Hadalka maxakamadda ayaa yimid ka dib markii masuuliyiinta Kenya ay sheegeen in xarumihaasi warbaahin ee la xiray Talaadadii ay sii xirnaan doonaan inta uu socodo baaritaan la xiriira baahinta dhaartii hoggaamiyaha mucaaradka Kenya ee Raila Odinga ay taageerayaashiisa u caleema saareen 'madaxweynaha dadka ee Kenya' Talaadadii.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya ayaa ku hanjabay inay dad u soo xir xiri doonaan dhaarintii Raila Odinga.

Nuur Xassan Nuur ayaa arrintan ka wareystay, wariyeheenna Nayroobi, Maryan Maxameud Barre.

Maxkamda sare ee Kenya oo go'aan soo saartay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:30 0:00

XS
SM
MD
LG