Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartooyda oo Xalay Xirmay 


Andre Ayew
Andre Ayew

Suuqa kala iibsiga ciyaartooyda kubadda cakta ee qaarada Yurub ayaa xalay xirmay kadib muddo bil ah oo uu furnaa.

Horyaalka kharashki ugu badnaa bixiyay bishi na dhaaftay ayaa ah kan Ingiriiska ee Premier League. Kooxaha kubada cakta ayaa ciyaartooyd kusoo gatay lacag dhan 492.5m oo euro.

Laacibki ugu qalisanaa ciyaartooydi la kala gatay bishii Janaayo ee na dhaaftay ayaa ah Virgil van Dijk oo ay Liverpool ku iibsatay lacag dhan 85 milyan oo euro.

Waxaa ku xiga Pierre-Emerick Aubameyang oo shalay 31-ki Janaayo ku biiray kooxda Arsenal. Aubameyang oo ah laacib u dhashay dalka Gabon ayaa noqday ciyaartooygi ugu qaalisanaa ee ay abid Arsenal soo gadato.

Waxay 56 milyan oo pound una dhiganta 63 milyan oo euro kaga soo qaadatay kooxda Borussia Dortmund ee dalka Jarmalka.

Manchester City ayaa 63 milyan oo euro ku iibsatay ciyaaryahan Aymeric Laporte oo kaga yimid dhinaca dalka Spain.

Weeraryahankii Arsenal Olivier Giroud ayaa isna ku biiray kooxda Chelsea oo ku iibsatay 18 milan oo pound. Wuxuu buuxin doonaa booska uu banneeyay weeraryahanki Chelsea Michy Batshuayi oo si amaah ah ugu wareegay kooxda Brussia Dortmund.

Ciyaartooyda kale ee caanka ah ee ay kooxaha Ingiriiska kala gateen ayaa waxaa ka mid ah Adrew Ayew oo u dhashay dalka Ghana ayaa ku biiray kooxda Swansea oo ku gadatay 18 milyan oo pound, halka Tottenham ay 23 milyan oo pound kula soo wareegtay laacibki kooxda PSG Lucas Moura.

Waxay aheyd lacagti ugu badneyd ee ay booxaha Ingiriiska ku bixiyaan suuqa kala iibsiga ciyaartooyda tan iyo sanadki 2011.

Dhinaca Talyaaniga wax badan isma aysan badalin. Dhamaan kooxaha waaweyn ayaanan keenin ciyaartooy caan ah, mark alga reebo Inter oo si amaah ah ku heshay ciyaartooyda kala ah Lisandro Lopez iyo Rafinha. Halka Roma ay keentay laacibki difaaca uga ciyaari jiray Sporting CP Jonathan Silva si uu u buuxiyo booski uu ka tagay Emerson Palmieri oo ku biiray Chelsea

Kooxaha kale ee Milan, Juventus iyo Napoli ayaanan keenin wax ciyaartooy ah.

Dhinaca horyaalka Spain ee La Liga, ciyaaryahanki ugu caansanaa ugu qaalisanaa bishii Jannaayo wuxuu ahaa Philippe Coutinho oo ay kooxda Barcelona ku iibsatay €160m. Coutinho wuxuu kasoo tagay kooxda Liverpool.

XS
SM
MD
LG