Hay'adda culumada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqday Somaliland iyo Puntland in ay ka fogaadaan dagaal ka dhaca deegaanka Tukarraq, isla markaana wixii muran ah ee jira ay wadahadal ku dhammeeyaan.
War-saxaafadeed ay culimada ka soo saareen Muqdisho ayay ugu yeereen in laga fogaado wax walba oo colaad keenaya. Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan nooga soo diray Muqdisho.