Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish oo 11 Ruux ku Dishey Afganistan


Ugu yaraan 11 ka tirsan ciidanka millatariga Afganistan ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, kadib weerar ay aroornimadi hore ee saaka malleeshiyo hubeysani ay ku qaadeen akadeemiyad ciidanka lagu tababaro oo ku taalla magaalada Kabul ee caasimadda Afganistaan.

Afhayeenka wasaaradda difaaca Afghanstan, Dawlat Waziiri ayaa sheegay in weerarka bar-tilmaameedkiisu uu ahaa cutub ka tirsan millatariga oo ilaalo ka hayay akaadeemiyadda tababarka ciidanka.

Sarkaalkan ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen shan nin oo is miidaamiyay. Laba ka mid ah ayaa albaabka hore ee xarrunta isku qarxiyay, halka saddex kalena ay gudaha u galeen xarrunta.

Qof goob jooge ah ayaa sheegay in weerarka oo lagu qaaday Jaamacadda difaaca qaranka ee Marshal Fahim uu socday illaa uu waaga ka baryay.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa ku warrantay in mas'uuliyadda weerarka ay sheegatay kooxda Daacish.

XS
SM
MD
LG