Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shaqaale UNICEF ka Tirsan oo Muqdisho Lagu Dilay


Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in nin ajanabi ah oo ka tirsan shaqaalaha hay’adda UNICEF lagu dilay xarun ay hay’addu ku leedahay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, maanta.

Ninkan la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha cuntada kariya ee xaruntaas ka howgala, waxaana dilkaasi geystay mid ka mid ah ilaalada Soomaalida ah ee la shaqeeya hay'adda UNICEF.

Ilaa hadda lama oga sababta dilka ka danbeysa iyo waliba waddanka uu ninkaasi ka soo jeedo.

Ciidamada AMISOM ayaa lagu soo warramayaa inay halkaasi gaareen, isla markaana ay meeshaasi ka daad gureeyeen shaqaalihii ajnabiga ahaa ee xafiiskaas ku sugnaa.

XS
SM
MD
LG