Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo Daryeel u Fidineysa Wiilal Shabaab Laga Soo Fakiyay


19-kii bishan, ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen tuulo la yirahdo Jameeco Jidyaale, oo dhowr iyo soddon KM u jirta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxay ku soo badbaadiyeen 35 wiilal yar yar ah oo ku jiray xero ay al-Shabab ku tababarayeen.

Maanta ayaa war saxaafadeed ay soo saartay dowladda Somaaliya ay ku sheegtay in caruurtaasi ay hadda bad qabaan, islamarkasina ay heystaan xanaano.

Maxamed Colaad Xassan ayaa sida caruurtaa lagu soo bad-baadiyay iyo xaaladdooda wax ka weydiiyay Cabdirashiid Ibrahim Moxamed oo agaasime ka ah hay’adda dowladda u qaabilsan dhaqan celinta maleeshiyaadka al-Shabaab ka soo goosta.

Dhalinyaro Shabaab laga soo badbaadshay
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:50 0:00

XS
SM
MD
LG