Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi Gaar ah: Madaxweynaha Galmudug


Axmed Ducaale Xaaf, Madaxweynaha Galmudug

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha Somalia MCF oo deeggaanada Galmudug safar dhulka ah ku soo maray ay ku guuleysteen inay dib-u-heshiisiin dhex-dhigaan beello xurgufo ay ka dhaxeeyaan oo ku nool deeggaanada Galmudug.

Xaaf oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay sidoo kale, in isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay isla oggolaadeen in degmada Cadaado ay sii ahaato xarunta baarlamaanka Galmudug, kadib markii ay sidaas codsadeen dadka degan Cadaado.

Xaaf, ayaa dhinaca kale wareysigan uga hadlay khilaafkii isaga iyo madaxtooyada Villa Somalia kala dhaxeeyay ee ku aadaanaa arrinta Khaliijka.

Cabducasiis Xuseen ayaa khadka taleefonka ee Muqdisho ku wareystay madaxweyne Xaaf, wuxuuna ugu horreyn weydiiyay sida safarkii Galmudug uu guud ahaan ugu soo dhammaaday.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:09:52 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG