Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barcelona iyo Real Madrid oo guulo Waaweyn Gaaray


Lionel Messi
Lionel Messi

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa guulo waaweyn kasoo hooyay kulamadi ay Axadi ciyaareen ee horyaalka Spain ee La Liga.

Barcelona 5-0 ayay ku lagadday kooxda Real Betis. Min laba gool waxaa kala qeybsaday Lionel Messi iyo Luis Suarez, halka goolka shanaadna uu keenay Ivan Rekitic.

guushaan ayaa uga dhigan Barcelona in ay sii kordhisay dhibcaha ay ku horkaceyso horyaalka Spain. Waxay 11 dhibcood ka horreyso kooxda kusoo xigta ee Atletico Madrid.

Waxaa sidoo kale guul weyn soo xareysay kooxda kaalinta afraad ku jirta ee Real Madrid oo 7-1 ku dardartay Deportivo La Coruna.Lix ka mid ah goolasha waxaa min laba u kala qeybsaday Ronaldo, Bale iyo Nacho.

Waxay aheyd guushi ugu horreysay ee ay Real kasoo hoyso horyaalka Spain sanadkaan cusub ee 2018.

XS
SM
MD
LG