Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Booqashada Farmaajo ee Galmudug


Maalmihii lasoo dhaafay waxaa booqasho dheer ku marayey gobollada dalka madaweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo haatan ku sugana magaalada Caabud-waaq lana filayo inuu socodkiisa ku tago magaalooyin kale oo ka mid ah maamulka Galmudug.

Haddaba, maxay tahay waxyaabaha u suurto galay madaxweynaha intii uu ku jiray booqashooyinkan? Caasha Ibraahim Aadan ayaa arrimahan ka waraystay, Dr. Faarax Cabdi Xasan Kurweyne, oo ka mid ah xildhibaannada safarkan ku wehelinaya madaxweyneha.

Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:41 0:00

Dhinaca kalana, safarka madaxweynaha ka sokow, waxaa magaalada Muqdisho toddobaadkan ka jirtay xiisad siyaasadeed taasi oo markii dambe keentay in xilka laga qaado guddoomiyihii gobolka Banaadir Taabit Maxamed Cabdi.

Haddaba, Prof. Liibaan Ciise, madaxa daraasaadka sare ee Jaamacadda Muqdisho oo ka faalooda siyaasadda Soomaaliya ayaan ka waraysanay dib u dhacdayada ay keeni karto degenaasho la'aanta siyaasadeed. Wariyaheenna Cabdiqaadir Cabdulle, ayaana wareysigan la yeeshay Prof. Liibaan Ciise.

Dhageys Wareysiga Prof Liiban
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:32 0:00

XS
SM
MD
LG