Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiye Thaabit oo Xilkii laga Qaaday


Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya saaka ayaa xilkii looga qaaday Duqii magaalada Muqdishu Thaabit Cabdi Maxamed, waxaana xilkaasi loo magacaabay Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo hayey xilka wasiirka warfaafinta. Tallaabadan ayaa timid kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Guddoomiye Thaabit iyo madaxda dawladda federaalka.

Wareegtada Madaxweynaha Soomaalya ayaa sidoo kale lagu magacaabay Maxamed Cabdullaahi Maxamed inuu noqdo Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada; Xuseen Maxamed Nuur waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Maamulka & Maaliyada; Basma Omar Ahmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta; Aadan Sheekh Cali Fidow waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud, halka Xoghayaha Guud loo magacaabay CumarAbdirisaakXuseen.

Haddaba dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya qaarkood ayaa aaminsan in khilaafka siyaasadeed ee keenay in shaqada laga cayriyo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir uu dhinaca kale ka yahay mid dastuuri ah oo aan weli la xallin kaasi oo la xiriira maqaamka caaismadda Muqdishu ee mustaqbalka. Haddaba sidee lagu xallin karaa maqaamka caaismadda? Su’aashaas iyo kuwo kale ayaa Caasha Ibraahim Aadan ay weydiisay Sahra Cumar Maalin oo ka mid ahayd khubaradii qoraya dastuurka hadda jira ee Soomaaliya.

Dhageyso Xil-ka-qaadista Thaabit
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:34 0:00

XS
SM
MD
LG