Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisad Siyaasadeed oo ka Jirta Muqdisho


Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay khilaaf cusub oo la sheegayo inuu soo kala dhexgalay madaxtooyada Somalia iyo maamulka Gobolka Benaadir.

Isfahmaaga laba dhinac ayaa cirka isku sii shareeray toddobaadkan, kadib markii madaxweynaha Somalia uu soo saaray amar lagu joojinayo iibinta dhulalka danta guud ee Muqdisho, talaabadaasi oo taageerayaasha guddoomiyaha gobolka, gaar ahaan odoyaashu dhaqanku ay u fasirteen inay tahay mid la donayo in cadaadis lagu saaro guddoomiyaha sumcadana looga dilo.

Odoyaasha dhaqanka ee taageersan guddoomiye Thabit ayaa xalay iyagu war-saaxafadeed kaga hadlay khilaafka taagan, waxayna madaxda qaranka uga digeen faragelinta gobolka iyo waliba shiweryne gobolku qabanayo oo ka la qorsheynayo in Muqdisho lagu qabto.

Odooyaasha ayaa war-saxaafadeedkooda ku sheegay inay isla oggolaadeen inay sameyaan guddi ka kooban odoyaasha beelaha dega gobolka Benaadir, kaasoo ka talin doona masiirka iyo mustaqbalka gobolka.

Dhinaca kale, guddoonka golaha shacabka ayaa go’aan deg-deg ah ka soo saaray xiisadda taagan, waxayna sheegeen in go’aan ka gaarista maqaamka gobolka Benaadir ay tahay awood u gaar ah labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Maanta magaalada waxaa waddooyinka muhiim ah la dhigay ciidamo ka tirsan nabad-sugidda Soomaaliya, kuwaasoo oo la sheegay in halkaasi loo geeyay si ay uga hortagaan dibadbaxyo la sheegay in lagu taageerayo guddoomiye Thabit oo degmooyinku ay soo qaban-qaabiyeen.

Haddaba xiisadda taagan iyo halkan caga dhigan doonto ayaa weriyaheena Maxamed Cabdi Xasan wuxu ka wareystay Diini MAxamed Dini oo ah madaxa ururada bulshada rayidka ah.

Dhageyso Xiisadda Siyaasadeed ee Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:43 0:00

XS
SM
MD
LG