Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pele oo Isbitaalka La Dhigay 


Brazil Pele
Brazil Pele

Warbaahinta Brazil ayaa ku warrantay in halyeeyga kubadda cagta dalkaasi ee Pele shalay la dhigay isbitaalka kadib marki uu jooga ka dhacay.

Dhaqaatiirta la taacaaleysa xaaladdiisa caafimaad ayaa ku sheegay sababaha uu u dhacay Pele in ay tahay, daal fara badan oo uu Pele wajahay. Waxay sheegeen in xaaladdiisa caafimaad aysan aheyn mid khatar ah.

Pele ayaa lagu waday inuu Sabtiga u safro magaalada London si uu uga qeybgalo casho sharaf ay u sameeyeen Ururka Qorayaasha Kubadda Cagta adduunka ee Ingiriiska.

Pele oo ah ciyaaryahanka kaliyah ee saddex jeer ku guuleystay koobka aduunka ayaa sannadihi dhawaa loola carraray isbitaalka dhowr jeer. Waxaa haleelay killiyo xanuun iyo xanuunno kale oo ay ka mid yihiin borostaato.

XS
SM
MD
LG