Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fernandinho oo kordhiyay Qandaraaska Manchester City


Fernandinho oo kubad kula dagaalamaya Toby Alderweireld oo ka tirsan Tottenham.
Fernandinho oo kubad kula dagaalamaya Toby Alderweireld oo ka tirsan Tottenham.

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Manchester City Fernandinho ayaa kordhiyay qandaraaska uu kula joogo kooxdiisa, kaasoo uu gaarsiiyay ilaa iyo sanadka 2020-ka.

Laacibkan u dhashay dalka Brazil ayaa hadal uu siiyay warbaahinta kadib marki uu saxiixay heshiiskan ku sheegay inuu qeyb kasii ahaado mustaqbalka kooxdani ka dhisan magaalada Manchester ee dalka Ingiriisja.

Fernandinho ayaa ka tirsanaa Man City tan iyo samadki 2013-kii markaas oo uu kaga soo biiray kooxda Shakhtar Donetsk ee dalka Ukraine.Tan iyo markaasi wuxuu kooxda u saftay 212 kulan, isaga oo muddadaasi u dhaliyay goolal dhan 19 gool.

XS
SM
MD
LG