Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo Joojiyay Iibinta Dhulka Danta Guud


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegey in uu ka walaacsan yahay warar sheegaya in lagu xad-gudbayo dhulalka danta guud ee ku yaalla Muqdisho.

War-saxaafaded ka soo baxay xafiiska madaxtooyada, ayaa lagu sheegey in madaxweyne Farmaajo uu joojiyay iibinta dhulalka danta guud ee Muqdisho.

Wars-axafadeedka ayaa lagu yiri “Illaa inta laga soo saarayo habraacyada sharci ee waafaqsan qodobka 43-aad ee dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo.”

Madaxweynaha, ayaa ku amray dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrintan inaan la bixin karin dhul dowladeed oo aan kusoo bixin wareegto Madaxweyne, lana soo marin habraac waafaqsan shuruucda u yaalla dalka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG