Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ronaldinho oo Ciyaaraha Ka Fariistay


Ronaldinho

Halyeeygii dhinaca kubadda cagta reer Brazil Ronaldinho ayaa Talaadadi shalay si rasmi ah uga fariistay ciyaaraha kubadda cakta, kadib wax ka badan 20 sano oo uu ciyaarayay.

Ronaldinho, oo sanadki 2002-di ka mid ahaa xidigihii Brazil ee ku guuleystay koobki aduunka ee lagu marti-geliyay dalalka South Korea iyo Japan, ayaa lagu wadaa inuu howlo xiriir la leh kubadda cakta ka sameyn doono Yurub, Brazil, Asia iyo meelo kale.

Walaalkiis Assis, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay warka sheegaya in Ronaldinho uu joojiyay ciyaaraha kubadda kagta.

Ronaldinho oo 37 jir ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxaha Gremio, Paris St-Germain, Barcelona, AC Milan, Flamengo iyo kooxo kale.

Sanadki 2005-ti wuxuu ku guuleystay abaalmarinta Balon d'Or ee laacibka aduunka. Wuxuuna mudadadi uu ku jiray xirfadda kubadda cakta uu kasbaday malaayiin taageerayaal ah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG