Ciidamada amniga ee maamaul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shalay hawl-gal ay sameeyeen kusoo qabtay xubno lagu eedeynaayo inay ka tirsanaayeen ururka al-Shabaab, isla markaana sii daayey maxaabiis.
Hawl-galkaasi ayaa ka dhacay deganaka Goofguduud iyo Shabeellow oo koonfur ka xiga magaalada Baydhaba. Haddaba faah-fahainta hawlgalkan ayaa Sahra Ciidle Nuur, waxay ka waraystay Cabdirissaq Cabdi Aadan, oo ah wasiirka ku xigeenka amniga Koonfur Galbeed.