Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wiilka Feysal C. Waraabe oo Suuriya ku Dhintay


Wiil uu dhalay guddoomiyaha Xisbig Mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ku dhintay dalka Suuriya oo uu sannadihii u dambeeyay isaga iyo xaaskiisu ku sugnaayeen.

Sida uu Faysal u sheegay VOA, Xuseen Faysal Cali iyo Xaaskiisa ayaa ku sugnaa dalkaas sannadihii u dambeeyay, ka dib markii ay si dhuumasho ah ku tageen muddo ku siman shan sanno ka hor, waxaana intii ay dalka Suuriya ku sugnaayeen ugu dhashay laba caruur ah.

Wiilkan ayaa la sheegay in lagu dilay duqeyn cirka ah. Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye uga waramay sida warku ku soo gaadhay iyo shaqsiyaddii Xuseen. Waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan.

Dhageyso Dhimashada Wiilka Feysal C. Waraabe
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:07 0:00

XS
SM
MD
LG