WASHINGTON. D.C —
Haweenka dalka Sacuudiga ayaa marki ugu horreeysay Jimcihii shalay loo ogolaaday in ay si toos ah garoomada uga daawadaan ciyaaraha kubadda cakta.
Dumar badan ayaa marki ugu horeeysay taariikhda dalkaasi, shalay daawaday ciyaar maxalli ah oo magaalada Jiddah ku dhexmartay kooxaha Al-Ahli iyo Al-Batind.
Fadhiga garonka ayaa loo kala qeybiyay rag iyo dumar. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah isbadallada uu la yimid amiirka leh dhaxalka boqortooyada, Maxamed Bin Salmadn.
Garoonka kubadda cakta magaalada Riyad ayaa galabta noqon doona garoonka labaad ee ay haweenka sacuudiga marki ugu horeysay ka daawan doonaan ciyaar kubadda cakta.
Waxaa xigi doona garoonka Dammam oo isna Khamiista ay dumarki tagi doonaan.
Facebook Forum