Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhageyso: Maxay ka Dhigan Tahay Deymaha oo Soomaaliya Laga Cafiyo?


Dowlada Soomaaliya ayaa ka dhawaajisey in deymaha lagu leeyahay oo laga daayo ay ka dhigan tahay inay awood u yeeshaan inay kaga adkaadaan dagaalka ay kula jiraan ururka al-Shabab.

Raysal wasaraaha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, oo dhawaantan warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay ciidamo gaaraya 27,000 oo Soomaali ah, kuwaas oo mushaaraadkooda iyo gunnooyinkooda u qaata bil kaste si joogto ah. Waxa uu sheegey haddii deymaha laga daayana ay taasi u fuddaan doonto, ciidankaas oo awood u yeelan kara inay Shabaab ka saaraan dalka.

Haddaba, sidee ayay arrimahani isugu xiran yihiin? Su'aalahaasi iyo kuwa kaleba ayay Sahra Cabdi Axmed waydiisey Prof. Xussein Warsame cilmiga dhaqaalaha iyo canshuruaha ka dhiga Jaamacada Calgary ee dalka Canada.

Dhageyso Deymaha oo laga cafiyo Soomaaliya maxay uga dhigan tahay
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:02 0:00

XS
SM
MD
LG