Isku xirrada

Ciidamo ka Tirsan Dowladdda Soomaaliya oo Lagu Diley Duleedka Muqdisho


Ugu yarana afar askari oo katirsan ciidamada dawladda ah ayaa ku dhintay rasaas xalay ka dhacday meel u dhow deganaka Ceelasha Biyaha, ee duleedka Muqdisho, sida ay VOA u sheegeen warar lagu kalsoon yahay oo ku dhow mas'uuliyiinta gobolka Shabeellada Hoose.

Rasaastan ayaa la sheegay inay ka dambaysay markii qarax uu qabsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada dawladda, kadibna jahwareerka ka dhashay ay keentay in ciidamo kale oo goobta ka agdhawaa ay rasaas ugu daraan gaarigii qaraxa qabsaday, taas oo keentay dhimashada askarta. Askarta rasaasta riddey ayaa u qaatay in gaarigan uu doonayay in uu isku qarxiyo iyaga, sida ay mas'uuliyiin sheegeen.

Qaraxa baabuurka qabsaday ayaa la sheegay inuu khasaare gaarsiiyey baabuurkii ay wateen ciidanku. Weerarkan ayaa la sheegaya inuu dhacay wax yar ka hor 9-kii fiidnimo xilliga Muqdisho.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG